Advertisements

Shirweynihii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich oo la qaban doono 14ka Maars 2017ka iyo Shuruudaha doorashada……..inshaa Allaah?

Jaaliyadda  (Wargelin iyo Ogeysiin Ku socota Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich).

Guddiga Fulinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich, waxay Soomaalidu ku wargelinayana in qofkasta oo deggan Kanton Zürich in la qaban doono Shirweynihii Jaaliyadda 14ka Maars 2017ka, sidaas darteed qofwalba wuxuu xaq u leeyahay in la doorto ama uu wax doorto.

Haddaba si loo dhowro nidaamka uu qorayo Dastuurka iyo habsami u qabsoomidda Shirweynaha, waxaa lagama maarmaan ah in qofkasta uu is-diiwaan geliyo, si loogu baxa nidaam darradii horey u dhici jirta, inta aan la gaarin waqtiga loo asteeyey qabsoomidda Shirkaas.

Qofkasta oo Soomaali ah waxaa loogu baahan yahay arrimaha soo socda:

1 – Inuu keeno 2 Sawir oo kuwa Warqadda Aqoonsiga ah (ID).

2 – Inuu bixiyo 10.- CHF oo diiwaan-gelin ah

3 – In Maalinta shirweynaha doorashada uu qofkasta Saxiixi doono Buugga Diiwaanka.

4 – Maalinta la qabanaayo shirweynaha Doorashada waxaa  qof-kasta uu soo qaadan doonaa Kaarka ama Warqadda Aqoonsiga ee diiwaan-gelinta.

5 – Qofkii aan is-diiwaan gelinin ma soo geli doono Goobta shirweynaha ka socdo.

6- Qofkii isasoo sharaxaya Xunaha Fulinta ama Hoggaanka Jaaliyadda waa inuu soo gudbiyaa Codsiga Musharraxnimadiisa Jagooyin hoos ku xusan, ka hor inta aan la gaarin Waqtiga uu dhacaayo Shirweynaha ee ah 14 Maarso 2017ka.

7 – Dadka isasoo shrraxaayo Jagooyinka Hoggaanka Maamulka ee 7da Xubnood, waxaa waajib  ku ah inay bixiyaan lacagaha diiwaan-gelinta Musharraxnimada, waana sidatan:

a– Musharraxa Guddoomiyanimada, wuxxu bixinayaa CHF 100.-

b– Musharraxa Ku-xigeenka Guddoomiyenimada, wuxuu bixinayaa CHF 70.-

c– Muasharraxiinta Xubnaha kale, waxay bixinayaan qofkiiba CHF 50.-

8 – Qofkii aan fulinin qodobbada kor ku xusan xaq uma laha in la doorto ama uu wax doorto.

9 – Howsha Diiwaan-gelinta waxay billaaban doontaa waqtiga lagu faafiyo ama lagu qoro Warbaahinta Bulshada (Social-Media), sida Websityada, Fecebookyada iyo wixii la mid ah.

10 – Adreeska Goobta Diiwaan-gelinta ka dhacayso waa: Gartenhofstrasse 7, 8004 Zürich, waxaana howsha diiwaan-gelinta u xilsaaran oo lagala xiriiri karaa Mudanayaasha kala ah: Nuur Cumar Cawil Tel. 0765894011 iyo Hersi Warsame Mohamed Tel. 0788642307.

11 – Shaxda shaqada Maalmaha Diiwaan-gelinta la qabanaayo waa sidatan:

Maalmaha Taariichda Saacadda Diiwaan-geliye
Talaado 23 Agost 2016 17.00 – 19.00 Warsame
Sabti 27 Agost 2016 16.00 – 18.00 Cawil
Khamiis 10 Sept. 2016 18.00 – 20.00 Warsame
Axad 18 Sept. 2016 16.00 – 18.00 Cawil
Khamiis 22 Sept. 2016 17.00 – 19.00 Warsame
Sabti 01 Oktoobar 2016 16.00 – 18.00 Cawil
Khamiis 13 Oktoobar 2016 18.00 – 20.00 Warsame
Axad 23 Oktoobar 2016 16.00 – 18.00 Cawil
Talaado 01 November 2016 17.00 – 19.00 Warsame
Sabti 12 November 2016 16.00 – 18.00 Cawil
Talaado 22 November 2016 17.00 – 19.00 Warsame
Axad 27 November 2016 16.00 – 18.00 Cawil

SomaliSwiss           Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

Advertisements
%d bloggers like this: