Advertisements

Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo ku geeriyooday Gobolka Virginia ee Mareykanka.

Jeneraal cali SamantarJeneraal Maxamed Cali Samatar oo xilal badan kasoo qabtay Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku geeriyooday gobolka Virginia ee Mareykanka.

Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa Allaha u naxariistee Soomaaliya kasoo qabtay xilal badan sida xilka Madax-weyne Ku-xigeenka, Raisul Wasaare iyo xilal kala duwan, ciidamada qalabka sida.

Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa qeyb libaax ka qaatay dhismaha ciidamada Soomaaliya.

Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa ahaa shakhsi jagooyin sare usoo qabtay dawladii kacaanka guud ahaana wuxuu ka mid ahaa shakhsiyaadkii ugu caansanaa dawladaa ama Soomaaliya gaar ahaan intii dawladii kacaanku ay jirtay.

General Maxamed Cali Samatar ayaa lasheegay inuu ahaa 85 sano jir markii xalay uu ku geeriyooday dalka Mareykanka.

SomaliSwiss     Virginia

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: