Advertisements

Golaha Ammaanka ee QM oo walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimaada doorashooyinka Somalia.

un.jpg3Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyey dib u dhaca ku yimaada Doorashooyinka Somalia, iyagoo ku boorriyay Dowladda Soomaaliya inay ku qabato Doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha xilliga cusub ee loo qabtay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxay ugu baaqeen shacabka inay Xukuumaddooda kala shaqeeyaan qabsoomidda doorashooyinka si waqtigii loo qabtay ay ugu qabsoomaan, waxayna xuseen in loo baahan yahay in la adkeeyo ammaanka.

Doorashooyinka Qaran ayaa lagu waday in ay ka Qabsoomaan Somalia Sannadkan, balse Dowladda Somalia ayaa dib loodhigay doorashada, taas oo ay isku raaceen Hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

Golaha Ammaanka, ayaa Sheegay in loo baahan yahay in la sii wado Maamul-wanaagga iyo Geeddi-socod doorashooyin loo dhan yahay; taasoo lagu wado in ay Sannadkaan 2016-ka dhacdo, iyagoo ka digay in dib loo dhigo doorashada mar kale.

Sidoo kale, Danjiraha Britain ee Qaramada Midoobay, Matthew Rycroft, oo ka hadlay doorashooyinka Somalia ayaa xusay in loo baahan yahay inay ku Midoobaan taageerada doorashada Somalia dhamaan Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo Shan Murashax oo kale oo ay ku jiraan haween ayaa u taagan xilka madaxnimo ee dalka Soomaaliya, iyadoo doorashadan oo weli ku saleysan nidaamka 4.5 ah, ayaa haddana waxay gabo-gabo u tahay in mar kale wax lagu soo doorto Nidaamka ku saleysan qabiilka.

SomaliSwiss     New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: