Advertisements

Ciidammo ka tirsan Komaandoosta Somalia oo taageeraayo ciidammo Mareykan ah oo Hawl-gallo ka Fuliyay Koonfurta Soomaaliya.

KumaandoosCiidammo ka tirsan Komaandoosta Somalia oo taageero ka helaya ciidammo Mareykan ah ayaa labo Hawl-gal ka Fuliyay Koonfurta Soomaaliya dhawrkii casho ee lasoo dhaafay.

 Hawl galkan ayaa la sheegay in lagu dilay 30 xoogag Al-shabaab ka tirsanaa, inkastoo aan wali la hayn warar xaqiijin kara tirada dhimashada Weerarradan ay fuliyeen ciidanka is-bahaysanaya. Wakaalada Wararka Xinhua oo xiganaysay ilo Wareedyo ku dhaw Ciidamada Dowladda Somalia ayaa sheegay in hawl-galladaan ay dhaceen 10-kii iyo 13-kii bishan Ogoosto, kuwaasoo lagu beegsaday saldhig Al-shabaab ku lahayd degmada Saakow ee gobolka Jubadda Dhexe.

 “Ciidamada Mareykanka iyo kumaandoosta Soomaaliya, waxay weerarro ku qaadeen Degmada Saakow, halkaasoo ay ku dileen 30 xubnood. Hawl-gallo gaar ahaa oo dhacay intii u dhaxeysay 10-kii illaa 13-kii bishan, xubno sare oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan dowladda Somalia.

 Sidoo kale, Xinhua ayaa sheegtay in afhayeenkii Al-shabaab Abuu-Muscab iyo nin magaciisa lagu sheegay Abu-Omar iyana lagu dilay hawl-galkaas, inkastoo aysan weli Al-shabaab ka hadlin arrintan. Ugu dambeyn, Dowladaha Mareykanka iyo Somalia ayaan weli Weeerarradan kasoo saarin wax hadal ah, dhanka kalena ma cadda cidda lagu beegsanayay hawl-galladii ka dhacay Degmada Saakoow.

SomaliSwiss    Saakow

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: