Advertisements

Taliyaha Booliska G/Banaadir oo sheegay in ciidamada Booliska gobolka Banaadir ay si dhameystiran ugu diyaar garoobeen sugidda ammaanka gobolka, xilliga doorashooyinka.

taliyaha B. G. BanaadirTaliyaha Qeybta guud ee booliska G/Banaadir Bishaar Abshir Geeddi, ayaa sheegay in ciidamada booliska gobolka Banaadir ay si dhameystiran ugu diyaar garoobeen sugidda ammaanka gobolka, xilliga ay dhacayaan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan bilaha soo socda.

Cayaarta Gobollada.jpg4Gaashaanle sare Bishaar Abshir Geeddi ayaa tilmaamay in maalmahanba taliska booliska oo kaashanaya maamulka gobolka ay wadeen qorshe ku aadan habka lagu sugi karo ammaanka, iyaga oo sida uu tilmaamay si gaar ah u qiimeynayey habka ay u shaqeeyaan ciidamada booliska gobolka ee ka howlgala degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

“Waxaan diyaarinay ciidan si gaar ah u xaqiijiya sugida amaanka Muqdisho, xiliyada ay dhacayaan doorashooyinka, waxaan qiimeyn ku sameynayey ciidamada ka howlgala degmooyinka gobolka, runtii si wanaagsan ayaan u diyaar garownay”ayuu yiri taliyaha.

Bilaha inasoo aadan ayaa la filayaa in dalka ay ka dhacaan doorashooyinka sanada 2016-ka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: