Advertisements

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo isku raacay in ciidamo dheeraad ah la geeyo dalka K/Sudan

UNGolaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in dalka K/Sudan la geeyo ciidamo nabad ilaalin dheeraad ah  oo ka socda waddamada gobolka kuwaasoo gaaraya ilaa 4000 oo askari.

Dagaallo bishii la soo dhaafay ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Jubba ayaa waxaa ka dhashay dil baahsan, tacaddiyo kufsi iyo xaalado bani’aadamo xaaladda bini’aadamnimo oo sii darsatay.

Golaha Ammaanka ee Qaramda Midoobay ayaa sheegay in mas’uuliyadda aas aasiga ah ee ilaalinta dadka rayidka ah ay u la taallo dowladda.

Balse milateriga dalkaasi South Sudan ayaa lagu eedeyay inay ka qeybqaateen dilalkii iyo tacaddiyadii loo geeystay dad rayid ah intii dagaallada ay socdeen.

Ciidammadan dheeradka ah oo gaaraya ilaa 4000 ayaa ka qeyb qaadan doona sugidda amniga caasimadda Jubba, si ay u ilaaliyan garoomada diyaaradaha iyo xaruumo kale oo muhiim ah.

Waxayna amar ku heysataan inay tallaabo ka qaadan koox walbo oo weerar ku qaaddo xarumaha Qaramada Midoobay, ha’yadaha gargraaka iyo dadka rayidka ah.

Dowladda K/Sudan ayaa iska diidday qaraarka Qaramada Midoobay iyadoo qaadashada go’aankaasna ku tilmaantay mid nasiib darro ah.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku gooddiyay suuragalnimada cunaqabatayn dhinaca hubka ah waa haddii South Sudan aanay muujinin wado shaqeyn.

SomaliSwiss    New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: