Advertisements

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon oo soo dhaweeyay jadwalka doorashooyinka Soomaaliya ee dhawaan la soo bandhigay.

Banki Moon.jpg2Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyay jadwalka doorashooyinka Soomaaliya ee dhawaan lasoo bandhigay, isagoo ku tilmaamay guul weyn doorashada lagu wado inay sannadkan ka dhacdo Somalia.

Ki-moon ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku xusay inay guul aad u weyn tahay in Madaxweynaha soo socda ee Somalia la doorto 30-ka bisha Oktoobar ee Sanadkan. Wuxuuna intaas ku daray inay tani muujinayso in Somalia ay ku socoto waddadii dimuqraadiyadda.

“Waxaan aaminsanahay in jadwalka doorasho ee la isku waafaqay la wada ilaalin doono, waxaana dhinacyada oo dhan uga digaynaa in xilliga jadwalka uu tilmaamayo ay ka dib dhacdo doorashada,” ayuu yiri Ban Ki-Moon.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee QM ayaa xusay inuu soo dhaweynayo qorshaha hiigsiga nidaamka doorasho ee Somalia ee sannadka 2020-ka, isagoo xusay in uu Aamisan yahay in Somalia ay horay u socoto.

“Waxaan doonayaa in xoogga la saaro doorashooyinka sannadkan 2016-ka, waxaana ku baaqayaa in wax walba la ilaaliyo Xuquuqda Aadanaha iyo weliba xorriyadda hadalka,” ayuu Ki-Moon ku yri War-saxaafadeedkiisa.

Ugu dambeyn, Ban Ki-Moon ayaa sheegay in taallaabadan ay tahay mid aad muhiim u ah oo ku wajahan Horumarrada laga sameeyay Siyaasadda Dalka Soomaaliya, isagoo u rajeeyay nabad iyo barwaaqo.

SomaliSwiss      New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: