Advertisements

Dowladda Mareykanka oo Boqortooyada Sacuudiga u ogolaatay inay ka iibiso hub casri ah.

saudi armyWaaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa sheegtay in Boqortooyada Sacuudiga u ogolaatay in laga iibiyo hub casri ah oo qiimihiisu dhan yahay $ 1.15 bilyan   oo isugu jira 130 Dabaabadood, 20 Gawaarida Gaashaaman ee wax burbiriya iyo hub kale.

saudi army.jpg1Mareykanka, ayaa talaabadan qaaday, xilli Sacuudiga  uu dagaal kula jiro Xuutiyiinta Yeman, iyadoo haatan Duqeynta Cirka ah  ay xulufada  Sacuudiga ku wadaan Tageeerayaasha kooxda Xuutiyiinta ee Yeman, taasina ay dhalisay canbaareyn xooggan oo uga timid hay’adaha u dooda xuquul aadanaha, waxaana dagaalkaasi ku dhintay dad badan oo rayid ah.

Hubka casriga ah ee uu Mareykanku ka iibinayo Sacuudiga, ayaa la doonayaa in muddo 30 maalmood gudahooda ah ay ku ansixiyaan Gongareeska Mareykanka.

saudi army.jpg2.jpgXulufada Sacuudiga, ayaa dalka Yeman ka bilaabay dagaalka lagula jiro Xuutiyiinta  bishii March ee sanadkii 2015kii, ka gadaal markii Xuutiyiintu ay ku guulaysteen inay xukunka ka eryaan Xukuumadda Cabdul Rabbi Haddi Mansuur.

SomaliSwiss      Washinton

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: