Advertisements

Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaranka oo laga soo Saaray War-murtiyeed !!!!!

Shirkii Madasha Qaranka.jpg2Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaranka ee Doorashada Somalia ee Sannadkan 2016-ka, kaasoo muddo Toddobaad ah ka socday Xarunta Madaxtooyada Somalia ee Magaalada Muqdisho, ayaa goor-dhaweyd la soo gaba-gabeeyay. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE. Continue reading

Advertisements

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo soo saaray Digreetada uu ku magacaabay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Dawlad Gobolleed..

CCC.jpg8Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa magacaabay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Dawlad Gobolleed (GHDDDG) ee Sanadka 2016. Continue reading

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo Warqadihii Aqoonsiga Danjiranimo ka gaddoomay Safiirka dalka Mareykanka ee Soomaaliya.

USA iyo SomaliaDanjiraha dowladda Mareykanka u soo magacowday Soomaaliya Stephen M. Schwartz  ayaa nuqulka waraaqaha aqoonsiga danjirenimo waxaa ku wareejiyay wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya mudane C/salaam Hadliye Cumar kadib markii maanta ay ku kulmeen magaalada Muqdisho. Continue reading

Madaxweyne Xassan Sheikh oo ku baaqay in ammaanka dalka la adkeeyo waqtiga doorashada Madaxweynenimo ee Oktoobar 2016.

Madaxweyne Xasan Sheekh.jpg23Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud ayaa ku baaqay in ammaanka dalka la adkeeyo waqtiga doorashada madaxweynenimo ee Oktoobar 2016. Wuxuu ka codsaday midowga Afrika iyo gaar ahaan AMISOM in ammaanka la adkeeyo. Wuxuu sidoo kale codsaday in AMISOM ay adkeyso ammaanka waqtiga doorashada baarlammaanka. Doorashada madaxweynenimo ayaa ku aaddan 30ka Oktoobar. Continue reading

Madaxweynaha dalkaTurkiga Recep oo Booqasho Rasmi ah ku tagay dalka Rushka.

Turkiya iyo RushkaMadaxweynaha dalkaTurkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadal kula yeelan doona magaalada Moscow  madaxweynaha dalka Russia Vladimir Putin waxaana uu sheegay in uu doonayo in uu dib u soo celiyo  xiriirka kala dhexeeya Russia. Continue reading

Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo Taliyaha nabad-sugida oo amar ka soo saaray in muwaadan uu qaarto Warqadda Aqoonsiga…..

NISA.jpgGuddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Taliyaha Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka   sareeyo gaas  Cabdulaahi Gaafow Maxamud,  Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyed   Bashiir Maxamed Jaamac,Taliyaha qeybta guud ee gobalka Banaadir ciidanka booliiska Soomaaliyed Bishaar Abshir Geed,  ayaa si wadajir ah xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar waxey ku qabteen Shir jaraa’id oo ay ugu hadlaayen qaadashada kaarka aqoonsiga ee dowlada hoose. Continue reading

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay Wafdigii ka socda dawladda Jarmalka.

W. GaashaandhiggaWasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wafdi ka socda dawladda Jarmalka oo hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka u qaabilsan arrimaha dalalka Africa  Danjire Georg Schmidt, Waxana ay Ka wada hadleen xoojinta taageerada ay siiso Dawladda Jarmalka Ciidanka Xoogaa Dalka. Continue reading

%d bloggers like this: