Advertisements

Soomaaliya oo ka qayb-galayso tartanka ciyaaraha olombikada adduunka ee ka furmay magalaada Rio ee dalka Brazil.

Olobyadi.jpgWaxaa Ilaah mahaddiis ah in Wadankeena Soomaaliya oo ka soo kabanaya colaado sokeeye, ha yeeshee ka qayb-galka tartanka ciyaaraha olombikada adduunka ee ka furmay magalaada Rio ee dalka Brazil, ay Soomaalidu noqotay dalka labaad ee kooxda ugu yar ku leh tartankan caalamiga ah,haddana ay soomaalidu ku qanacsan tahay.

OlobyadiMaraykanka ayaa waxaa uga qayb-galaya ciyaarahan koox ka kooban 554 ciyaaryahan oo isugu jira rag iyo dumar ,waana wadanka ugu ciyaartoyda badan marka loo eego wadamada kale ee koobkan ka qayb-qaadanaya sanadkan.

Madaxa Olombikada ee kooxda Somaliya matalaysa Faadumo Cali Nuur ayaa sheegtay in furitaankii koobkan uu ku reebay dareen gooni ah ,iyadoo ay jiraan boqolaal Soomali ah oo shaashadaha kala socday dalkooda maalintii furitaanka.

“Waxaan aad ugu faraxsanaa inaan arkay calanka Soomaaliya oo ka hor-babanaya caalamka oo idil ,si lamid ah dhinaca kale waxaan ka murugooday in wadanka uusan lahayn ciyaar-yahanno tayo leh oo nooga qayb-gala dhamaan ciyaaraha kala duwan ee olimbikada “ ayey  tiri Faadumo

SomaliSwiss      Rio

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: