Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Casho Sharaf ugu sammeeyay Taliyeyaasha Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Saraakiil Somali iyo Amisom.jpg2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan Casho Sharaf ah ugu sammeeyay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Saraakiil Somali iyo Amisom.jpg4Kulanka ayaa Waxaa goobjoog ahaa Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Safiirada dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo kulanka Cashada ah kadib hadal dardaaran u jeediyay Saraakiisha Ciidamada, ayaa faray in la xoojiyo howlgalka kadhanka ah Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab.

Saraakiil Somali iyo Amisom.jpg1.jpgMudane Xasan Sh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM ay sugaan ammaanka Goobaha ay doorashada ka dhici doonto, si looga hortago iskuday kasta oo kooxaha argagixisadu ku doonayaan in ay ku carqaladeeyaan Ammaanka goobaha loo qorsheeyay in doorashadu ay ka dhacdo.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday shirka Bisha Septembar ay martigalindoonto Soomaaliya, kaas oo lagu qiimeyn doono Xaaladaha Ammaanka iyo isabadalka dhinaca horumarka ee ay ku tallaabsatay Soomaaliya.

Saraakiil Somali iyo Amisom.jpg3.jpgSomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: