Advertisements

Shaqaalaha ka Shaqeeya Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Tababar Loo Furay.

DiblomaasiyaddaSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa manta tababar ku saabsan diblomaasiyadda u qabatay kudhawaad 20 qofoo ka mid diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howl gala safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Diblomaasiyadda.jpg1Tababarkaan oo socon doona laba toddobaad waxaa kaqeyb galaya Qunsulka safaaradda Cali Maxamed Sheekh,  xoghayeyaasha safaaradda, u qeybsanayaasha wasaaradaha ee ka howl gala safaaradda, shaqaalaha waaxda socdaalka iyo saraakiisha xafiiska safiirka.

Danjire ku xigeenka safaaradda ahna qunsulka 1aad, Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo furay tababarkaan ayaa sheegay in ay wax badan kafaa’iideysan doonaan shaqaalaha sare ee ka howl gala safaaradda.

“Muddo ayaan diyaarinaynay tababarkaan, ujeedkiisuna waa in diblomaasiyiintu kororsadaan casharro ku saabsan shaqadooda, waamarkii labaad oo aan sameyno tababar noocaan ah, waxaaan rajaynayaa in wax badan uu ku kordhiyo howlaha aan dalka u hayno”ayaa uu yiri Maxamed Amiin.

Dr. IbraahimFaaraxBursaliid, oo ah la taliyahasafaaraddaSoomaaliyaeedalka Kenya oo bixinaya tababarkaan ayaa yiri “Hadafka tababarkani waa in awoodda shaqo ee dimlomaasiyiinta safaaradda kor loo qaado iyo  in lagu wacyi geliyo arrimaha caalamka iyo gobolkaba, ayada oo loo fiirinayo danta iyo maslaxadda dalka”.

Waxa uu intaa ku daray in tababarkaani uu ku baraarujinayo dimlomaasiga kaalintii sasafaaradda dhexdeeda,  arrimaha dibadda iyo metelaadda guud ee dalka”.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa tababar noocaan oo kale ah u qabatay diblomaasiyiinta safaaradda sanadkii la soo dhaafay. Sidoo kale waxa ay qabandoonaa kuwo kale sida ay sheegeen saraakiisha safaaraddu.

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhiirigilinta maalgashiga Soomaaliya, ayaa sanadihii la soodhaafay ku howlanayd sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo shaqada diblomaasiyiinta ka howl gala safaaradaha iyo howl-gallada dibadda, si loo xoojiyo adeegga loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo cilaaqaadka dalka kala dhaxeeya caalamka.

SomaliSwiss          Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: