Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheikh oo saaka u ambabaxay Dalka Ethiopia.

Madaxweyne Xasan SheekhMadaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane xasan Shiikh Maxamuud ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Addis-ababa ee Dalka Ethiopia, halkaasoo uu uga qeyb galayo shirka madaxda dalalka Urur Goboleedka IGAD.

Shir madaxeedka IGAD oo ay ka qeyb galayaan madaxda dalalka IGAD ayaa looga hadlayaa xaaladda dalka Koonfurta Suudaan oo kasii dartay, isla markaana ay colaad cusub dib uga bilaabatay iyo arrimaha Soomaaliya.

 Shirka Madasha ayaa hore loogu qorsheeyay inuu socdo muddo laba maalmood ah, laakiin waxaa muuqata inuu dib u bilaaban doono Sabtida marka uu Muqdisho ku soo laabto Madaxweynaha iyadoo aan la ogeyn xilliga uu qaadan doono.

Wafdiga Madaxwaynaha waxaa garoonka Diyaardaha aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Masuuliyiin ka tirsan Goloyaasha Dawladda Federaalka Somaliya iyo Madax kale

SomaliSwiss          Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: