Advertisements

Wafdigii ka socday Baarlamaanka Somalia oo kulamo kula qaatay Khartuum Wasiiradowlayaasha Tacliinta iyo Iskaashiga caalamiga.

Baarlamaanka.JPG10Wafdigii ka socday Barlamaanka Soomaaliya oo maalmahan booqashada ku joogay dalka Suudaan oo uu horkacayay gudoomiyaha gudiga arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble   ayaa maanta kulan la qaatay Wasiiru dowlaha Wasaaradda tacliinta sare ee  suudaan Dr.Atijaani Mustaha Maxamed Saalax.

Baarlamaanka.JPG9.jpgKulankaas ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhanka wafdiga Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo xildhibaan, Prof. Cabdiraxmaan Aadan Ibbi, iyadoo dhanka Safaaraddana u joogay uqaybsaha warfaafinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan Fiidow Maxamuud Fiidow.

Wafdiga ayaa kala hadlay arrimo badan oo dhanka tacliinta sare ah iyo deeqaha waxbarasho  ee dowladda Suudaan siiso dowladda Soomaaliya, iyadoo wasaaradda tacliinta tahay mida loo soo marsiiyo deeqahaas dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiqadir Cosoble oo ah madaxa wafdiga ayaa warbixin ka siiyay sida uu hada xaalka yahay iyo heerka waxbarasho ee Soomaaliya gaartay xiliyadii dambe oo horumar weyn la gaaray, isagoo sidoo kale sheegay in horumar badan dowladda soomaaliya ku talaabsata maalmahii ugu dambeeyay.

Baarlamaanka.JPG10Wasiir Tajaani oo isna hadalka qaatay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu arko wafdi heer baarlamaan ah oo Soomaaliya ka socda uuna aad usoo dhawaynayo, wasiirka ayaa intaasna ku daray in ay dowladda Suudaan diyaar u tahay in ay sii kordhiso deeqaha waxbarasho ee dowladda Suudaan ugu deeqdo dowladda walaalaha yihiin ee Soomaaliya.

Sidoo kale wafdiga ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Wasiiru dowlaha iskaashiga caalamiga ah  Mudane Xuseen Sharif  Ibrahiin Al-hindi iyadoo labada dhinac ka wada hadleen sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha quseeya iskaashiga caalamiga ah ee labada dowladood iyo labada hay’adood.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda iskaashiga caalamiga ah ee Suudaan ayaa isagana sheegay in ay diyaar u yihiin in ay tabaro u fidiyaan shaqaalaha wasaaradda iskaashiga caalamiga, isigoo xusayna in ay jiraan qaabab casri ah oo hada wasaaraduudu ku shaqayso oo ah mid heer calami ah iyo mid heer gudi ah.

Gudiga oo howlahiisa shaqo ku kuga jira ayaa sidoo kale kulan la qaatay golaha saaxiibtinimada diblumaasiyadda shacabka oo xaruntoodu tahay magaalada khartoum, waxa ayna warbixin ka dhagaysteen golahaas iyo sida ay u  shaqeeyaan.

Kadib kulankaas ayaa waxaa laysla gartay in la sameeyo gole saaxiibtinimo oo ka shaqeeya diblumaasiyadda shacabka Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo labo gole laga kala sameenayo Muqdisho iyo Khartoum.

Sidoo kale waxaa laysla gartay in la sameeyo tobaadka dhaqanka oo laga kala sameenayo Muqdisho iyo Khartoum kaasoo lagu soo bandhigayo hidaha iyo dhaqanka labada shacab ee Soomaaliya iyo Suudaan, laysna waydaarsado booqashooyin fanaaniin ah si dhanka is dhexgalka dhaqanka loo soo celiyo.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in uu Suudaan sii joogo ilaa maalinta jimcaha oo ay booqashooyinkooda soo gabagebeyn doonaan iyagoo hishiisyo la saxiixan doona baarlamaanka dowladda Suudaan.

SomaliSwiss       Khartoum

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: