Advertisements

Wakiilka Midowga Afrika oo amaanay Booliiska Uganda ee Soomaaliya ka howlgalaya.

Amisom.jpg15Wakiilka Midowga Afrika oo ka hadlayay munaasabad lagu sagootinayay Askarta Booliis ah ee Ciidanka Uganda ka tirsan oo qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa amaanay Booliiska Uganda ee Soomaaliya ka howlgalaya.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya  danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in dowladda Uganda door weyn kaga jirto howsha midowga Afrika u joogto Soamaaliya taas oo ah sugida nabadda wadanka ku yaala geeska Afrika.

Danjire Madeira, ayaa sidoo kale, xusay in uu ku amaanay shaqadii ay ciidankaas ka qeybteen Soomaaliya mudadii sanadkan aheyd ee dalka joogeen.

Ciidanka booliiska ee wadanka Uganda ka socda ee Soomaaliya jooga ayaa waxaa ay howshooda tahay in ay tababaro siiyaan ciidanka booliiska Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta Soomaaliya.

Mudadii sanadka aheyd ee ciidankan ay Soomaaliya ka howlgalayeen ayaa waxaa ay ciidanka booliiska Soomaaliya ka caawiyeen tababaro ay kamid yihiin mabaadi’da aas aasiga ah ee ku dhaqanka sharciga kuwaas oo ay kamid yihiin ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta, in bulshada la shaqeyso booliiska  iyo la dagaalanka argagaxisada.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: