Advertisements

Ciidamo ka tirsan Amisom oo maanta maxkamad uga furantay magaalada Muqdisho.

Amisom Maxkamad.png3Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Ugandha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay edeeymo loo heesto 17 askari oo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.  HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE.

Amisom MaxkamadAskartaasi ayaa loo heystaa in eedeymo la xiriira in ay si sharci dorro ah u iibaneyeen Sanadda ciidanka , kuwaas oo iyagoo fal dambiyeedkaasi ku dhex jira ay qabteen ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Maxkamadda ayaa dhageysatay eedeynta loo soo jeediyay iyadoo sidoo kalana su’aalo la weydiiyay marqaatiyaal maxkamadda la horkeenay.

Amisom Maxkamad.png2.pngBrig Dick Olum Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Ugandha oo ku dhawaaqay Xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in Major Bob Francis Aring oo ahaa taliyihii Ciidamadaas Heysta lagu Xakumay hal sano oo Xariga ah iyo hoos loo dhigo darajadii Ciidan ee uu lahaa, kadib markii ay ku cadaadeen eedeymihii loo heystay.

Maxkamadeynta Ciidamada ayaa sii socon doonto iyadoo Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Ugandha uu ballanqaaday in Cadaaladda la marsiin doono Askarigii ku xadgudba qawaaniinta ciidanka.

Amisom Maxkamad.png4SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: