Advertisements

Madaxweynaha Somalia iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta Xarunta Madaxtooyada ku Qaabilay Cayaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan iyo CayaartoydaMadaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku Qaabilay Cayaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka Qayb-galeysa Tartanka Olimbikada Adduunka ee RIO 2016-ka oo lagu qaban doono dalka Brazil.

Madaxweyne Xasan iyo Cayaartoyda.jpg1Mudane Xasan Sheekh ayaa dhiirri-geliyay Cayaartooydaan, isla markaana guddoonsiiyey Calanka Soomaaliya ciyaariyahannada Maxamed Daa’uud Maxamed iyo Maryam Nuux Muuse oo ka qeyb galaya tartarnka RIO 2016 gaar ahaan ciyaaraha fudud.

“Mar ka hore waxaa guul inoo ah oo Muhiimaddeedana leh inaad maanta ka qeyb galeyno tartankaas, waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay inaad guul ka soo hoyin doontaan ciyaraha Olimbikada Dunida ee RIO 2016-ka, gaar ahaan kuwa fudud oo aad ka qeyb galeysaan. Dowladda Soomaaliya diyaar ay la tahay wax walba oo idin fududeynaya inaad ku guuleysataan tartanka, sidoo kale xirriirka & Dhamaan shacabka Soomaaliyeed garabkiina ayey taagan yihiin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan iyo Cayaartoyda.jpg3.jpgUgu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh – ayaa u rajeeyey Cayaaryahannadaan oo maalinta berri ah u ambabaxi doona Waddanka Brazil inay guul ka soo hoyin doonaan tartarnka , wuxuuna u ballan-qaaday in dib u soo laabashadooda loo sameyn doono soo dhaweyn ballaaran.

Madaxweyne Xasan iyo Cayaartoyda.jpg2SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: