Advertisements

Guddoomiyaha Guddiga doorashada oo sheegay inay ka madax banaan yihiin Isla markaasna ay yihiin dhex dhexaad.

G.Guddiga DoorashadaGuddoomiyaha Guddiga Hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal Avv. Cumar Dhagey oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faafaahin ka bixiyey holwaha guddiga horyaala oo ah qabashada doorashada sanadkan 2016, wuxuuna sheegay in la soo bandhigi doono hannaanka doorashooyinka ilaa bishan Afarteeda  inkastoo ay jirto dib u dhacyo badan.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada ayaa sheegay in waqtiga rasmiga ah ee doorashada dhaceyso lagu go’aamin doono shirka ay yeelan doonaan Madasha Wada-tashiga Qaran.

Waxaa uu sheegay in doorashada ay u qaban doonaan si hufan, xalaal iyo dhex dhexaadnimo ah, isagoo xusay in shirka Madasha ay ku hor-geyn doonaan qorshayaashooda ugu dambeeya doorashada iyo miisaaniyada.

Avv. Cumar Dhagey ayaa sheegay in Guddigooda uu yahay mdi madax banaan, isla markaana  wixii hada ka dambeeya shaqadooda lagu qiimeynayo isla xisaabtan, hufnaan, ficil, fulin iyo dhex dhexaadnimo.

“Guddigeena waa uu madax banaan yahay, dhamana waxaa u sheegeynaa Musharaxiinta inaan ixtiraameyno”ayuu yiri Avv. Cumar Dhagey oo intaa ku daray in waqtiga rasmiga ah ee doorashooyinka uu ka soo bixi doono shirka Madasha Wada-tashiga qaran dhici doona 2-4 bisha Agosto.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: