Advertisements

CIIDAMADA NISA OO GACANTA KU DHIGAY GAARI KALE OO WAXYAABAHA QARXA KA BUUXAY.

NisaCiidamada NISA ayaa xalay degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir ku qabtay Gaari kale oo waxyaabaha qarxa sida, kadib markii la dhigay agagaar wado hor-marta Xeebta Liido.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane ayaa sheegay in gaarigan ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa, isla markaana la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo.

“Gaarigan wuxuu ahaa gaari kaarib ah oo qalin ah, sida aad arkeysaan waxaa ka buuxay waxyaabaha qarxa oo shacabka la rabay in lagu dhibaateeyo”ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada NISA ay ku soo wargeliyeen shacabka, isla markaana durbaba ka howl galeen, lagana fur furay waxyaabihii saarnaa.

Gaariga la qabtay ee qaraxa saarnaa ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay weerar is qarxin ah iyo mid toos ah lagu qaaday Xarunta CID-da ee dambi baarista.

Ciidamada Nabadsugida ayaa maalmihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay gaadiid la sheegay in waxyaabaha qarxa ka buuxeen, hase ahaatee qabashada gaadiidka waxyaabaha qarxa ayaa hakin weerarada Al-Shabaab ka geysanayaan magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: