Advertisements

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Milkiilayaasha Hoteellada Muqdisho ugu baaqay inay amnigooda sugtaan haddii kale ay xiraan.

wasiirka amnigaWasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda federaalka ee Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo ka hadlayay amaanka Hotelada Magaalada Muqdisho ayaa sheegay, in hadii Maamulka Hotelka aysan xaqiijin karin ammaanka dadka isugu imaanaayo Hotelkooda, in aanan loo baahneyn inuu sii furnaado Hotelkaasi. Continue reading

Advertisements

Wasiirka caafimaadka oo sheegay in dadkii ku dhaawacmay ee qaba dhaawacyada culus loo qaadi doono dalka dibadiisa.


W. Caafimaadka DF.jpg1 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dadkii shalay ku dhaawacmay weerarkii xoogganaa ee Hotel SYL loo qaadi doono dalka dibadiisa kuwa aadka u daran. Continue reading

Qaraxii barqadnimadii maantay ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho iyo Hoteelka SYL oo qasaaro geystay.

Madaxweyne Xasan Sheekh.jpg6Qaraxii barqadnimadii maantay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 25-qof, 43-qof oo kalena way ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ahaa ayaa la sheegay inuu ka dhacay inta u dhaxeyso Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho iyo Hoteelka SYL oo kasoo hor-jeeda Madaxtooyada (Villa Somalia). Continue reading

Ergayga Ururka Midowga Afrika ee arrimaha Somalia oo Beesha Caalamka ugu baaqay inay kordhiyaan Taageerada ay siiyaan Ciidamada Qaranka Somalia

Amisom.jpg15Ergayga Ururka Midowga Afrika ee arrimaha Somalia, Danjire Francisco Madeira, ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay inay kordhiyaan Taageerada ay siiyaan Ciidamada Qaranka Somalia, si ay awood ugu yeeshaan la dagaallanka xoogagga Al-shabaab. Continue reading

Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka oo beenisay in ay ogolaatay dib u soo celinta dadka sharci la’anta ku jooga dalkaas.

Safaaradda So. USAMunaasabadan lagu soo dhoweynayay safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Washington ee caasimadda dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad,  ayaa lagu qabtay magaalada Columbus ee gobolka Ohia, taas oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Ohio ee dalkaas. Continue reading

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir oo shaaca ka qaaday in la soo qabtay Ciidan Rasaaseeyey dad Shacab ah….

Taliyaha B.BanaadirTaliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Kornel Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ay qabteen gaari uu lahaa mas’uul ka tirsan dowladda iyo ilaaladii saarneed gaariga, kuwaas oo xabadeeyay dad shacab ah oo marayay wadada hormarta dekeda magaalada Muqdisho. Continue reading

Wasiirka Haweenka Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay inay muhiim tahay in Haweenka ay helaan Qoondada ay ku leeyihiin Dowladda.

 

W. Haweenka

Wasaaradda haweenka Soomaaliya oo hormuud u ah qeybaha haweenka Soomaaliyeed ayaa dhawaanahaanba waday dadaalo ay ku doonayaan in ay ku helaan qoondada ay ku leeyihiin dowladda, waxaana jiray kulan shalay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid uu la qaatay qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed oo arintooda u bandhigay ra’iisul wasaaraha, si loo cadeeyo qoondada ay leeyihiin. Continue reading

%d bloggers like this: