Advertisements

Xaruntii Denbi-baarista Soomaaliya (CID) oo maanta weerar ku qaadeen koox ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Denbi-baaristaCiidmada Booliiska Soomaaliyeed ayaa toogasho ku dilay dhamaan dableydii dooneysay iney gudaha u galaan xarunta baarista dembiyada CID qaraxa kaddib.

Denbi-baarista.jpg1.jpgWasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in maleeshiyaadki weerarka ku soo qaaday xarunta Dambi baarista ay ahaayeen 7-nin oo labo ka mid ah ay is qarxiyeen halka shanta kalana ay ciidamada booliiska toogteen.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdirasaaq Cumar Maxamed, oo Warbaahinta kula hadlay xarunta CID-da ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay hayeen xogta weerarkan ayna ka horgaeeen .

Waxa uu tilmaamay Wasiirka in maleeshiyaadka weerarka ku qaaday xarunta CID ay ahaayeen todobo nin oo shan kamid ah ay ciidamada toogteen iyaga oon wax dhibaato ah geeysan halka labo kalana ay banaanka isku qarxiyeen.

Wasiirka ayaa sheegay in Weerarkan ay ku dhinteen 13-qof oo shan ka mid ah yihiin dad shacab ah , waxa uuna intaa raaciyay in  weerarkasi uu ku dhintay hal askari halka shan kalana ay ku dhaawacmeen, waxa uuna sheegay in todobada kale ee dhimatay ay  ahaayeen naftood halligayaasha Shabaab..

Denbi-baarista.jpg2.jpgSidoo kale, Qaraxyadan oo ahaa kuwo aad u culus, ayaa waxaa laga maqlay inta badan Muqdisho, waxaana ay ahaayeen kuwo loo adeegsaday Gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

Markii Qaraxyadan ay dhaceen kaddib ayaa waxaa xigay rasaas culus oo ay is-weydaarsanayaan kooxo hubeysan oo xarunta CID-da weeraray iyo ciidankii ku sugnaa xeradaas.

Illaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxyadaan is-xigay, iyadoo xaaladdu ay kacsan tahay, iyadoo qaraxyadan ay noqonayaan kuwii labaad oo Muqdisho ka dhaca muddo toddobaad gudihiisa ah.

Guud ahaan waxaa weerarkaas ku dhintay  15 ruux oo ay ku jiraan Kooxihii weerarkan ka dambeeyay ayaa ku geeriyooday Weerarro is-miidaamin iyo toos ah oo xoogag ka tirsan Al-shabaab ay maanta ku qaadeen xarunta CID-da ee Muqdisho, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 20-qof.

Dadka Geeriyoooday ayaa waxaa ku jira shan qof oo la sheegay inay doonayeen in ay gudaha u galaan xaruntaas, balse la toogtay intii aysan gaarin dhismaha xarunta CID-da oo ku dhaw isgoyska Lamabar Afar ee Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia ayaa gaaray goobta, inkastoo uusan ahayn mid buuran khasaaraha burburka ah ee xarunta soo gaaray, waxaana mid ka mid ah kooxaha weerarka qaaday lagu dilay illinka hore ee xarunta.

Denbi-baaristaAl-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan isugu jiray qaraxyo iyo kuwa tooska ah, waxaana afhayeenka hawl-gallada ee Al-shabaab. C/casiis Abuu-Muscab uu sheegay inay beegsanayeen saraakiil Somali iyo Ajnabi ah.

Dhawaan ayay ahayd markii Muqdisho ay soo gaareen saraakiil sare oo ka socday booliiska gobolka Minnesota, kuwaasoo sheegay inay tababarro siin doonaan ciidamada booliiska Somalia, gaar ahaan sida dambiyada loo baaro.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo culus ayaa waxay dhaceen xilli shaqooyinka ay si caadi ah uga socdeen agagaarka goobaha ku dhaw xarunta, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa dadka shacab ah oo goobta marayay.

Lix Mooto oo ah kuwa loo yaqaanno Bajaajta oo meesha marayay ayaa waxaa kasoo gaaray khasaare xooggan qaraxyadan, waxaana rakaabkii la socday qaarkood soo gaaray Dhaawacyo Culus.Waxaana mas’uuliyiinta dowladda Somalia ay sheegeen in Qaraxan ay horay uga heleen warbixin, laakiinse uu si lama filaan ah ku dhacay.

Sida lagu soo warramay, Isbitaallada Muqdisho ayaa waxaa la dhigay dhaawacyada in ka badan 20-qof, kuwaasoo dhammaantood ahaa shacab, waxaana laba ka mid ah ay ku dhinteen Isbitaalka Madiina.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan mudane horay uga tirsanaa iyo wiil kale ay fuliyeen qaraxyo aad u culus oo agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho ka dhacay, kuwaasoo ay ku dhinteen 15-qof, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: