Advertisements

Dhalinyaro qiiro Waddaninnimo leh, isla markaasna leh Aqoon Sare oo ku biirtay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Booliska Somalia.jpg6.jpgDhalinyaro qiiro Waddaninnimo leh, isla markaasna leh Aqoon Sare ayaa ku biirtay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ha yeeshee tani waxaa la oran karaa waa tillaabo ku dayasho mudan in Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo udub dhaxaad u ah sugidda amniga gudaha ee dalka ay muddooyinkan danbe ku tallaabsanayay horumarro dhinacyo badan leh tan iyo intii ka danbaysay markii loo magacaabay Taliyaha Booliiska Soomaaliyeeed S/Gaas Max’ed Shiikh Xasan waxaa kor u kacayay tayada Xubnaha ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed.

Booliska Somalia.jpg7Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sh. Cusmaan Xaamud ayaa xoogga saaray sidii ciidanka Booliiska uu heli lahaa Jiil Cusub oo ka qayb noqda kor u qaadidda tayada ciidanka, mudadaas intii ka danbaysayna waxaa soo badanayay ku soo biiritaanka ciidanka ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax bartay, sida kuwa dhamaystay Waxbarashada heerka Jaamacadeed iyo kuwa dugsiyada sare.

Booliska Somalia.jpg5Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ah kuwa ugu faca wayn Ciidamada Qalabka sida ayaa waxaa uu soo maray marxalado kala duwan, haatana waxaa muuqda ifafaalo in Booliiska Soomaaliyeed uu muddo dhow gaari doono horumarro u suurta galiya inuu si buuxda u xaqiijiyo sugidda amaanka nafta iyo maalka muwaadinka soomaaliyeed.

Booliska Somalia.jpg9Booliska Somalia.jpg8.jpgBooliska Somalia.jpg6SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: