Advertisements

Madaxweynaha Soomaaliya oo Koobkii guusha Tartanka Kubbada Cagta guddoonsiyey Cayaartooyda dowlad goboleedka Puntland.

Cayaarta Gobollada.jpg7.jpgCayaartooyda ku cayaareysay dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo galabta kulan xiiso leh kuwada yeeshay garoonka kubadda cagta ee Koonis, ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Shar ma’arke, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanno, Maamulka Gobolka Banaadir, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale.

Cayaarta Gobollada.jpg6Cayaarta oo ahayd mid kama dambeys ah (Final) ayaa waxaa sidoo kale waxaa u soo daawasho tegay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo cayaartooyda labada dhinac ay goobta ku soo bandhigeen cayaar aad loo jecleystay, waxaana ay cayaarta ku soo idlaatay 1 iyo 1, iyadoo daqiiqadihii dheeriga ha ee lagu darayna ay labada dhinac isla dhaafi waayeen, bar bar dhac 1 iyo 1.

Cayaartooyda Putland iyo Jubaland ayaa waxa loo dhigay gool ku laad, si ay mid un u soo baxdo, waxaana cayaarta gool ku laad 3-5 ku adkaatay cayaartooyda Puntland.

Cayaarta Gobollada.jpg3Munaabasad kooban oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Banadir Stadium ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu koobka ku guddoonsiiyay cayaartooyda Puntland, iyadoo intaas kadib ay garoonka is qabsaday saxawan iyo farxad ay muujinayeen taageerayasha cayaartooyda Puntland.

Cayaarta Gobollada.jpg4Cayaarta Gobollada.jpg2Cayaarta Gobollada.jpg5SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: