Advertisements

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu caleemmo-saarayey Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka dhacday magaalada Baladweyne.

Caleemo Saarka Ugaas_Xasan.jpgMunaasabaddaan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay, lana oran karo waa middii ugu ballaarneyd oo Waaydii ugu Dambeeyay ee ka dhacda Dalka Somalia, ayaa lagu caleemmo-saaray Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE.

Caleemo Saarka Ugaas_Xasan.jpg1Madasha Caleemmo-saarka, ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa Saladdiintii ugu badnaa ee Soomaaliyeed, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia, Siyaasiyiin, Aqoon-yahanno, iyo waxgarad isaga kala yimid qeybaha kala duwan ee dalka.

Ammniga goobta ayaa waxaa si weyn u adkeeyay ciidamada Dowladda FS iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah Hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM].

Khubado kala duwan oo halkaas laga jeediyay ayaa bogaadin iyo Hambalyo loogu soo jeediyay Ugaas Xasan oo lagu Ammaanay Sida ay Salaaddiintu sheegeen Doorkii uu ka qaatay Mideynta Nulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Caleemo Saarka Ugaas_Xasan.jpg2.JPGDuubabkii dhaqanka ee ka qeyb-galay caleemmo-saarka ayaa ka kala yimid, deegaannada Soomaalida, sidda magaalada Muqdisho, gobollada Galguduud, Mudug, iyo deegaannada maamulka Soomaaliland, Puntland, Koonfur galbeed iyo Gobollada Jubbooyinka, sidoo kale waxaa Madasha ka Dhax-muuqday siyaasiyiin magac ku dhax leh bulshad Soomaalida.

Caleemo Saarka Ugaas_Xasan.jpg4.JPGCaleemo Saarka Ugaas_Xasan.jpg3SomaliSwiss    Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: