Advertisements

Wasiiru dowlaha Warfaafinta Soomaaliya oo baydhabo socdaal shaqo ku tegay

Wasiiru-dowlaha.jpg1Wasiiru dawlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta howlo shaqo u tegey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo uu ku booqday qaar ka midah xarunta Wasaaradda ay kaga howlgasho magaalada Baydhabo.

Wasiiru-dowlahaWasiiru Dawlaha Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka io Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Bekoos ayaa markii uu soo gaaray magaalada Baydhabo waxaa uu Booqdey Xaruumaha idaacadaha ka howlgala Magaalada Baydhabo iyo Sidookale Xafiiska Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Waxaana idaacadaha uubooqadey kamid ahaa Radio Warsan,Radio Baydhabo iyo raadiyaha kuhadka Afka dawladgobaleedka KG, isagoo halkaasi kula kulmay Agaasimiyaasha Tafatiriyaasha Idaahadaha iyo Wariyaasha ka shaqeeya idaacadaha, isaga oo ka xog wareysanayey howlahooda shaqo iyo baahiyahooda, waxaana agaasimiyaashu ay uga mahadceliyeen Wasiirku Booqashada uu ku yimid idaacadaha Baydhabo

Agaasimeyaasha ayaa Wasiiru dowlaha ka codsaday in kor ay uqaado Tayada waririyaasha ka howlgala Koonfur Galbeed, gaar ahaan Magaalada Baydhabo, kuwaas oo mudo sanada ah aan helin fursado aqoon korarsi, taas oo Wasiirkuna si aad ah usoodhaweeyey

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawlada Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Bekoos ayaa sheegay in ujeedka socdaalka uu yahay mid uu ugu kuurgalayo xaaladaha ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta ka howlgala magaalada Baydhabo.

SomaliSwiss     Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: