Advertisements

Wasiirka wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo kormeeray ciidamo ka tirsan xooga dalka, oo tababar uga socday degmadaasi.

W. gaashaandhigga.jpg3Wasiirka wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya mudane C/qaadir Sheakh Cali Diini oo maalmahanba ku sugnaa degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa kormeeray ciidamo katirsan kuwa xooga dalka, oo uu tababar uga socdo xeryo ciidan oo ku yaala degmadaasi.

Wasiirka ayaa halkaasi kula hadlay ciidamadaasi kamidka ah xoogga dalka, ee uu u soconayo tababarka, isagoo u jeediyey hadal u badnaa dardaaran.

Mudane C/qaadir Sheakh Cali Diini wasiirka wasaarada difaaca Soomaaliya waxa uu ku bogaadiyey ciidankaasi in ay yihiin kuwa u taagan difaaca iyo ilaalinta dadka iyo dalka, islamarkaana looga baahan yahay in ay si wanaagsan u gutaan waajibkooda.

Wasiirka ayaa degmada Caabudwaaq u gaaray xalinta dagaal beeleedyo kajira deegaano katirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

SomaliSwiss     Cabud-waaq

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: