Advertisements

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Somaliya oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Baladweyne1

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Somaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Waxaa xubnahan lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baledweyne , waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

Ujeedada Wafdigaan ay u tageen Magaalada Baledweyne ayaa waxa ay tahay sidii maalinta beri ah ay uga qaybgeli lahaayeen Caleemo saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo beri lagu caleemo saarayo Magaaladaasi.

Xildhibaano ka tirsan Dowladda ayaa horay ugu sugnaa Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo iyagana u tagay halkaa ka qaybgalka Caleemo Saarka Ugaaska.

Ammaanka Magaalada Baledweyne ayaa si weyn loo adkeeyay , gaar ahaan Xarunta Maamulka oo ay ku sugan yihiin masuuliyiinta maanta gaartay Baledweyne.

SomaliSwiss     Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: