Advertisements

Tahriibayaal 26 qof ah oo Meydadkooda laga helay xeebaha dalka Liibiya

Sans frontierUrurka Dhaqaatirta aan xuduudda laheyn (MSF)  ayaa sheegay in xeebaha dalka Liibiya laga helay 26 meyd oo ah oo Dooni kula qalibantay Badda mediterranean

Uruka ayaa shagay in meydadkaasi ay ka koobnaayeen 25 dumar  ah iyo hal qof oo rag ah, waxana la aamin sanyahay in dadkaasi ay saacado dheer Doonida dulsaarnaayeen ka hor inta aaney qalibmin.

In ka badan 200 oo kale oo Tahriibayaal ah oo 50 ka mid ah ay caruryihiin  ayaa la sheegay in la soo badbadiyey.

Doonta ayaa la shaagay in shidalkii iyo biyaha ay isku dartay, taasina  ay sababtay in dadku ay miyir daboolmaan sida uu Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay Yansi Bagooto oo ka mid ah Mas’uuliyiinta ururka Dhaqaatirta aan xuduuda laheyn.

Dadkan ku haligmay biyaha Badda mediterranean ayaan weli la sheegin meelaha ay dhalasho ahaan ka soo jeedan haseyeeshee dadkii la badbaadiyay ayaa la geeyay in Jaziiradda Siqaliya, iyadoo howsha badbadintana ay ka qeyb qaateen Ciidamada Bada Talyaaniga iyo Spain.

SomaliSwiss         Xig. Reuters

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: