Advertisements

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo dalkiisa ku soo rogay Xaalad degdeg ah isagoo kulan la qaatay Golihiisa Wasiirada iyo guddiga amniga Qaranka.

Erdogan 1Madaxweynaha Turkiga   Erdogan ayaa dalkiisa ku soo rogay amar degdeg ah isagoo kulan la qaatay xubnaha Golihiisa Wasiirada iyo guddiga amniga Qaranka, sidaas waxaa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu siiyey  raagga wararka fidiyaee uu u qabtay shir jara’id, uu kaga dhawaaqay inuu dalka geliyay Qaanuun xaalaad deg deg ah, sida uu sheegay lagu sugayo amniga dalka.

Wuxuuna intaa raaciyay inuusan Qaanuunkaa wax cabaurin ah u geysaneyn, xuriyada hadalka,waana markii ugu horeysay Taariikhda Turkiga, go’aan noocan ah lagu soo rogo dalka Turkiga ka gadaal isku daygii  Inqqilaabkii Fashilmay.

Sida ay faafisay Wakaaladda Wararaka Turkiga Anadol, Madaxweynuhu, wuuxuu go’aanka Xaaladda  deg degga ah ee uu dalka Turkiga ku soo rogay, u cuskaday isla markaana waafijiyay qodobka 120-aad ee Dastuurka dalkaasi, kaasoo xusaya hadii amniga dalka uu qalqalgalo uu Madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu qaado Talaabo noocan ahi.

SomaliSwiss        Istanbul

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: