Advertisements

Ururka Midowga Afrika oo shaaca ka qaaday in Ciidamada AMISOM ay ka baxi doonaan Soomaaliya sanadka 2018.

Amisom.jpg16Ururka Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday inay Ciidamada  AMISOM  ay ka baxi doonaan  Soomaaliya sanadka 2018 sidaas waxaa sheegay sargaal sare oo ka tirsan ururka Midowga Afrika. 

Smail Chergui oo ah Guddoomiyaha arimaha Nabadda iyo Ammaanka ee ururka midowga Afrika ayaa Isniintii shalay ahayd sheegay in kasoo saarida ciidamadaa Soomaaliya ay u saamixi doonto Soomaalida inay dalkooda u tashadaan oo hantaan.

‘Waxaanu qorsheyneynaa inaan tababarno oo qalabeyno ciidamada Soomaalida ah ka hor intaanaan kasoo bixin dalka’. Sidaa ayuu yiri. Wuxuu sidaa ka sheegay shirka madaxda Afrika ee Kigali Rwanda.

‘Waxaanu u baahan nahay Soomaaliya nabad ah oo ah dal laga qaddariyo dhammaan xaquuqul insaanka muwaadiniinta’. Intaa ayuu raaciyay.

Dalalka kale ee uu ka hadlay Chergui waa Burundi iyo Koofurta Suudaan oo colaado ay ka aloosan yihiin iyana.

Wuxuu sheegay in xaalad adag ay ka jirto Koofurta Suudaan isla markaana loo baahan yahay in QM ay ciidamo nabad ilaalin ah durba u dirto.

SomaliSwiss      Kigali

 SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: