Advertisements

Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Gaashaanle Sare Cusmaan Nuur Subagle oo maanta si rasmi ah u la wareegay xilkaas.

Amisom.jpg14Taliyaha cusub ee ciidamada midowga Afrika ee AMISOM Gaashaanle Sare Cusmaan Nuur Subagle ayaa si rasmi ah u la wareegay xilkaas.

Amisom.jpg15Gaashaanle Sare Subagle ayaa baddalay Gaashaanle Sare Jonathan Rono. Gaashaanle Sare Subagle ayaa shalay yimid Muqdisho si uu xilkaa si toos ah ula wareego.

Taliyaha AMISOM ee cusub, Gaashaanle Sare Subagle ayaa la kulmay shalay durba wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo danjiraha AMISOM Francisco Caetano Madeira kuwaasoo xusay in imaanshihiisu kusoo beegmay xilli xasaasi u ah hawlgalka.

Amisom.jpg13Gaashaanle Sare Subagle wuxuu khibrad hore u lahaa hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya maadaama uu horay usoo qabtay xilka Difaaca AMISOM intii u dhexeysay 2012 iyo 2013.

Dhanka kale Gaashaanle Sare Subagle ayaa ah muwaadin u dhashay dalka Jabuuti.

SomaliSwiss      Muqdisho

 SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: