Advertisements

Safiirka dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya oo maanta ku wareegay Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya deeq isku jirta gadiid nooca dagaalka iyo saanad.

Masar deeq.pngWasiirka Gaashandhigga ee xukuumada faderaalka Soomaaliya Janeraal C/qaadir Sheekh Cali (Diin) oo wahliyah taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas Maxamed Aadan Axmed, ayaa safiirka dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya kala wareegay deeq isku jirta gadiid nooca dagaalka iyo saanad.

Masar deeq.png2.pngDeeqdan ciidan ayaa waxaa loogu talagalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta kamaandooska ee Danab, si ay u xoojiyaan howlagalada dalka lagu sifeynayo haardiga maleyshiyaadka argaxisida Al-shabab.

Danjiraha dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya Mowliid Ismaaciil oo la hadley warbaahinta qaranka ayaa sheegay In dowlada Masar ay garab tagaan tahay Soomaaliya isla markaana ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliya.

Masar deeq.png1.pngTaliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya sareeyo gaas Maxamed Aadan Axmed oo goobta ka hadlay ayaa dowladda Masar ugu mahadceliyay deeqda ay soo gaarsiiyeen taliska ciidanka xooga dalka.

Wasiirka Difaac ee dowlada Soomaaliya Jeneraal C/qaadir Sheekh Cali (Diini) oo kala wareegay saanada ciidan safiirka dowladda Masar ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhankiisa mahad naq balaaran u jeedin doona, isagoo sheegay in qalabkan lagu wareejin doona ciidanka xooga dalka gaar ahaan Danab.

Dowladda Masar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha saacida Soomaaliya iyadoo sidan oo kale dhowr jeer ay dalka keentay kaalmo loogu talagalay ciidanka Soomaaliya.

Masar deeq.png3.pngSomaliSwiss      Muqdisho

 SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: