Advertisements

Mareykanka oo ugu baaqay dawlada Turkiga in xaalada la dejiyo kadib isku daygii afgambigii dhicisoobay ee habeen Hore dhacday.

Xoghayaha USAMareykanka ayaa ugu baaqay dawlada Turkiga in xaalada la dejiyo kadib isku daygii habeyn hore ee afgambigii dhicisoobay.

Xaalada ayaa haatan dalkaasi Turkiga caadi kusoo noqotay ayadoo balse dad badan oo lala xiriirshay afgambigaa dhicisoobay jeelasha la dhigay. Dadka haatan arintaa darteed jeelasha ugu jira ayaa gaaraya kumanaan.

Si kastaba ha ahaatee, xog-hayaha arimaha dibada ee dalka Mareykanka John Kerry ayaa ugu baaqay in dawlada Turkigu si wanaagsan baaritaan u samayso sharcigana ay raacdo arinkaa si ay uga salgaarto isla markaana xaquuqda la dhowro.

Turkiga iyo Mareykanka ayaa labaduba ka wada tirsan gaashaan buurta NATO balse waxaa jira warar sheegaya in Mareykanku lug ku lahaa afgambiga dhicisoobay, ha yeeshee Mareykanka ayaa eedaa gaashaanka u daruuray oo iska fogeeyay.

SomaliSwiss      Washinton

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: