Advertisements

Dowladda Turkiga oo weerartay qeybo ka mid ah xerooyinka ciidamada dalka Turkiga ah….

afgembi Turkiga.jpg3Dowladda Turkiga ayaa weerartay qeybo ka mid ah xerooyinka ciidamada dalka Turkiga ah, kadib markii uu fashilmay afgambi qaar ka tirsan ciidamada dalkaasi ay isku dayeen. 

Sida lagu soo warramay in ilaa 6000 oo ciidamada qalabka sida ah ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu tuhmay inay qeyb ka ahaayeen askartii afgambiga ka qeyb qaatay.

Xero ku taala magaalada Denizli oo dhacda galbeedka Turkiga waxaa dhowrkii saacadood ee lasoo dhaafay lagasoo qabtay taliye ciidan iyo askar kale oo gaaraya 50 tiro ahaan. Intaa waxaa dheer in ilaa 3 kun oo xaakim oo diiday inay u hoggaansamaan awaamiirta dawlada Madaxweyne Erdogan shaqada laga eryay. 

Dadka la xiray ayaa qaar badan waxaa lagu eedeynayaa in ay taageereyaal u yihiin sheekh masaafuris dalka Mareykanka ugu nool oo Turki ah laguna tuhmay inuu afgambiga fashilmay kulug lahaa kaasoo lagu magacaabo Fetxullah Gulen. Si kastaba ha ahaatee sheekhaasi waa uu dafiray inuu wax lug ah kulahaa afgambigaa dhicisoobay. 

Maalin kadib markii afgambi lagu doonayay in lagu rido dawlada Turkiga uu dhicisoobay, ayaa Sheekh Fetxullah Gulen oo lagu tuhmay inuu kulug lahaa afgambigaa dhicisoobay uu beeniyay arinkaa uuna iska fogeeyay.

Sheekhaa ayaa kusugan Mareykanka iminka oo aanu qoreyno warbixintaan. Kadib isku daygaasi fashilmay ayaa Madaxweyne Erdogan wuxuu ku eedeeyay Sheekh Gulen inuu khidadaa asagu lug kulahaa.  Sheekh Gulen ayaa Mareykanka masaafuris ahaan u jooga.

 Madaxweyne Raccep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in dib dalka loogu soo cesho Sheekh Gulen si sharciga loola tiigsano.  Si kastaba ha ahaatee asagoo ka hadlaayay shir jaraaid ayaa Sheekh Gulen uu sheegay  in Turkiga uu kasoo tagay 15 sano ka hore uusana wax dowr ah kulahayn afgambigii la isku dayay.  

 Erdogan  wuxuu intaasi ku daray inuusan wax taageereyaal ah uusan ku lahayn Turkiga.  Asagoo la hadlaayay idaacada VOA qeybteeda afka Turkiga ayaa Sheekh Gulen uu sheegay in uusan xataa kunoqdeen Turkiga hadii afgambigu guuleysan lahaa. 

Dhanka kale Sheekh Gulen ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu horay xulafo ula ahaan jiray Madaxweyne Erdogan ka hor intii uusan is xulufeysigaa ka bixin.  Xaalada dalkaasi Turkiga ayaa iminka caadi kusoo laabatay. 

SomaliSwiss      Istanbul

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: