Advertisements

Saraakiil Millateriga ah oo loo xiray Af-gambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga ka dhacay.


afgembi Turkiga.jpg3Wararka ka soo baxaya Warbaahinta dalka Turkiga ayaa sheegayaa in ugu yaraan 90-qof ay ku dhinteen, illaa 1154 Ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen Af-gambigii dhicisoobay ee xalay ka dhacay dalka Turkiga, kaasoo Qorshihiisu ahaa in xukunka looga tuuro Xukuumadda dalkaas ee uu hoggaamiyo Recep Tayyip Erdogan. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE.

afgembi TurkigaSidoo kale, Saraakiil Millateri oo tiradoodu tahay 1,563 – ayaa loo xiray Af-gambigaan dhicisoobay, iyadoo Madaxweynaha Dalkaas uu ku Hanjabay Saakay in ciidamadii ka dambeeyay Afgambiga ay muteysan doonaan ciqaab adag.

Ciidamadii Af-gambiga fuliyay qaarkood ayaa la arkayay iyagoo isku dhiibaya ciidanka xukuumadda Ankara, waxaana sidoo kale waddooyinka ugu muhiimsan caasimadda dalkaas ee Ankara iyo weliba magaalada Istanbul iyagana ku sugnaa shacab fara badan oo is-hor-taagaya Taangiyada iyo gadiidka kale ee ay wateen ciidamada afgambiga fulinayay.

afgembi Turkiga.jpg4Wararka ayaa intaas ku daraya in Taliyihii Millateriga Turkiga Jeneraal Hulusi Akar oo ay ciidamada afgambiga sameeyay afduub ahaan u haysteen ayaa hawl-gal gaar ah oo ay Diyaaradaha Dagaalku ka fuliyeen Magaalada Ankara lagu soo furtay, sida ay baahinayaan Warbaahinta Turkiga.

Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in Jen. Hulusi Aka uu hadda hoggaaminayo hawl-gallada lagu qab-qabanayo Saraakiisha Millateriga ee Af-gambigan abaabulay, welina uu hawl-galkaasi socdo.

afgembi Turkiga.jpg2Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Goor-dhaw wuxuu dib ugu laabtay Caasimadda dalkaas ee Ankara, isagoo shacabka dalkiisa ku ammaanay sida ay uga hortageen kooxaha afgambiga waday, Taangiyadii ay wateenna ugu khasbay inay dib u laabtaan.

SomaliSwiss    Istanbul

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: