Advertisements

Madaxweynaha Somalia oo maanta gaaray Magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Rwanda, kana Qeyb-galaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh.jpg24.jpgMadaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Rwanda, halkaasoo uu kaga qeybgalayo shir-madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh.jpg25.jpgMadaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa shirka Midowha Afrika ka sokow waxaa uu ka qeybgeli doonaa Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD, kaas oo lagu lafa-guri doono qalalaasha ka taagan Dalka Koonfuurta Sudan iyo weliba hannaanka siyaasadda ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo amniga.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta hoyga uu ka deggan yahay magaalada Kigali, kulan kula yeeshay Linda Thomas-Greenfield oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee arrimaha Afrika.

Ugu dambeyn, waxaa labada dhinac ay ka wadahadleen xiriirka labada waddan, Xaaladda Soomaaliya, dhinacyada siyaasadda, Doorashada 2016 iyo arrimaha amniga.

SomaliSwiss        Kigali

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: