Advertisements

Madaxweynaha dalka Turkiga oo ka hadlay talefishin si gaar ah loo leeyahay, sheegayna inuu weli yahay Madaxweynaha Turkiga afgambigiina uu dhicisoobay.

afgembi Turkiga.jpg5Recep Tayyip Erdogan, madaxweynaha Turkiga ayaa talefishinka kasoo muuqday kadib afgambi dhicisoobay oo dalkaa ka dhacay 24kii saac ee lasoo dhaafay gudahooda.

Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay talefishin si gaar ah loo leeyahay asagoo sheegay inuu weli asagu yahay madaxweynaha Turkiga ayna ciqaab adag mudan doonaan wixii ka dambeeyay ayagu afgambigaa dhicisoobay. Waqtigaa uu khudbada jeedinaayay ayaa waxaa hareerihiisa taagnaa dad badan oo taageereyaashiisa ah.

Halka uu asagu markaa kusugnaa ayaa ah garoonka diyaaradaha ee Istanbul wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in ciidamada dalkaa la kala hufo oo la nadiifsho.

SomaliSwiss    Istanbul

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: