Advertisements

Bannaan-bax ballaaran oo looga soo Hor-jeedo Af-gambigii Dhicisoobay ee xalay ka dhacay dalka Turkiga ayaa oo maanta ka dhacay Muqdisho

Bannaanbax Muqdisho.jpg7Bannaan-bax ballaaran oo looga soo Hor-jeedo Af-gambigii Dhicisoobay ee xalay ka dhacay dalka Turkiga ayaa Maanta ka socda Muqdisho, Waxaana lagu wado inay ka Qayb-galaan mas’uuliyiin Dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan.

Boqollaal shacab ah oo isaga kala yimid degmooyinka Muqdisho ayaa dibad-baxan ka qayb-galaya, iyadoo dibad-baxan uu haatan ka socdo Dajirka Dah-soon ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa la xiray inta badan dukaamadii ganacsiga ee ku teedsanaa Waddada Muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, Waxaana Ganacsatadaas lagu war-geliyay inay bannaan-baxa socda kasoo Qayb-galaan.

“Ciidamada Dowladda Hoose ayaa noo yimid, waxayna nagu amreen inaanu xirno ganacsiyadeenna, aanan ka qayb-galno dibadbaxa Afgambigii Turkiga ka dhacay looga horjeedo,” ayuu HOL u sheegay Cumar Nuur oo Dukaan ku leh Isgoyska KM-4 ee Muqdisho.

Dadweynaha Mudaaharaadkan ka qayb-galaya ayaa ku qaylinayaan erayo ay ka mid yihiin; Waxaanu kasoo horjeednaa Afgambiga dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay, Ma doonayno in Xukuumadda Erdogan la rido iyo erayo kale.

Madax ka tirsan Dowladda Somalia ayaa lagu wadaa inay dibadbaxa hadallo ka jeediyaan, iyadoo Mudaaharaadkan uu imaanayo xilli Madaxweynaha DF Somalia uu si adag u cambaareeyay afgambigaas.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: