Advertisements

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo Ciidamada Booliiska Soomaaliya ugu baaqey in ay kasbadaan kalsoonida shacabkooda

Dallacsiin Sarkaal.jpg1Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud – ayaa Ciidamada Booliiska Soomaaliya ugu baaqey in ay kasbadaan kalsoonida shacabka, siina xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan sugidda amniga. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE.

Dallacsiin Sarkaal.jpg2.jpgMudane Xasan Sheekh, ayaa hadalkaan ka jeediyay munaasabad lagu soo Gabagabeynayay Tababar u socday askar cusub oo jaamiciyiin ah oo ku soo biiray Ciidanka Booliska 19 ay tiradoodu ahayd.

“Waxaa la idiin kaga fadhiyaa in aad noqotaan Tusaale, isla markaana aad isku-xirtaan DF Soomaaliya iyo shacabkeeda. Waxyaabaha taas idin fududeyn kara inaad shacabka si hufan ugu adeegtaan waxaa ka mid ah dhawrista anshaxa iyo xeerarka idiin degsan,” ayuu goobta ka yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dallacsiin SarkaalSidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa ku bogaadiyay Ciidankaan cusub ee kusoo biiray Ciidanka Booliiska sida ay ugu Dhiirradeen iyagoo Aqoon-yahanno ah inay ku shaqeeyaan Xaaladaha adag ee dalka ka jira, Waxaana uu ballan-qaaday inay qaadi doonto DF Somalia tallaabo kasta oo lagu tayeynayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Waxaad tihiin Hogaanka Mustaqbalka Booliska Somalia. Saraakiisha Maddaaleyaasha ee Ciidamada Booliska Qaarkood waxay Dalkaan u shaqeynayeen ku dhawaad 50-sano, sidaa awgeedna dhallinyarada Wax-baratay ee booliska kusoo biiraya ayaa ah kuwii bedeli lahaa jiilkii hore.”

Dallacsiin Sarkaal.jpg3Dhanka kale, Madaxweyne Xasan ayaa munaasabada min laba xidigood ku Guddoonsiiyay Dhallinyarada Cusub ee Qalin-jabisay, isagoo sidoo kale dallacaad iyo Abaal-marinno kale ku Guddoonsiiyay goobta Xubno kale oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Intaas kaddib, Madaxweynaha Soomaaliya – ayaa si rasmi ah u furay tababar layli Saraakiil iyo saraakiil xigeenno cusub oo ay ka qayb-qaadanayaan koox booliiska Soomaaliya kusoo biiray.

Dallacsiin Sarkaal.jpg4Ugu dambeyn, Xafladdaan ayaa Waxaa hadallo ka jeediyay Wasiirka Ammaanka, C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: