Advertisements

Caasimadda dalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay Bannaan-bax looga soo horjeeday Qaraxii lala beegsaday Masaajidka barakeysan ee Nabi Muxamed [NNKH].

Bannaanbax Muqdisho.jpg1Waxaa maanta ka dhacay Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho Bannaan-bax looga soo horjeeday Qaraxii lala beegsaday horraantii bishan Masaajidka barakeysan ee Nabi Muxamed [NNKH] ee Magaalada Madiina Al-Munawara ee Dalka Saudi Arabia. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE.

Bannaanbax Muqdisho.jpg2Bannaan-baxan ayaa waxaa ka qayb-galay dadweyne fara badan oo isaga kala yimid degmooyinka Muqdisho, waxaana soo Qaban-qaabiyey bannaan-baxan culummada, Waxgarad Soomaaliyeed iyo Dowladda Somalia, waxaana ka mid ahaa Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sh. Nuur Baaruud Gurxan, Sh. Yuusuf Cali Ceynte, Sh. Cali Dheer oo dowladda Somalia ka socday iyo culummo kale oo Soomaaliyeed.

Sidoo kale Bannaan-baxan ayaa lagu muujiyay sida looga xun yahay weerarkii qaraxa ahaa ee lagu qaaday masjidka Nebiga NNKH iyo Meelaha kale ee Xurmeysan ee ku yaalla caalamka dacalladiisa.

Guddoomiyaha Hay’adda Culummada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ahaa culummadii ka hadashay dibadbaxii maanta Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay inay muujiyaan inaysan raalli ka ahayn Weerarrada noocaan oo kale ee lala beegsanayo Masaajidda Xurmeysan.

Bannaanbax Muqdisho.jpg3Sh. Bashiir Axmed Salaad oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaanu Dowladda Somalia iyo dhammaan Waddamada Muslimiinta ah ugu baaqaynaa inay ka hortagaan kuwa doonaya inay dhibaatooyin ka geystaan goobaha barakeysan ee caalamka… waayo tani waxay u muuqataa mid ka tarjumaysa in kooxahan ay doonayaan inay dad ku laayaan Xaramka”.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo bannaanbaxaas ka hadlay ayaa sheegay in falkan uu muujinayo in kooxahan sheeganaya inay Diinta u gar-gaarayaan aysan run ka ahayn oo ay doonayaan inay Muslimiinta meel walba oo caalamka ah ku beegsadaan.

Bannaanbax Muqdisho.jpg5Dhanka kale, Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa lagu soo dhaweeyay Banaanbax balaaran oo Maanta ka dhacay Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo abaabuleen qaybaha Bulshada Soomaaliyeed kuna muujiyeen dareenkooda ku aadan Qaraxii dhawaan lala beegsaday Masjidka Nabiga NNKH iyo Xasuuqa Joogtada ah ee Argagixisadu ku hayso Muslimiinta Dunida oo ay ku jiraan Soomaalidu.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Md Maxed Cabdi Xayir[Maareeye} ayaa ku amaanay Culumada,Odayaasha Dhaqanka,Haweenka iyo dhamaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed sida ay usoo bandhigeen dareenkooda, taas oo ay ku muujiyeen sida ay Bulshada Soomaaliyeed uga soo horejeedo Falalka Argagixisada, diyaarna ugu tahay in ay ka qaybqaadato Dagaalka ay Dawladda Soomaliya kula jirto Kooxahaas.

Bannaanbax Muqdisho.jpg6.jpgWasiirka ayaa sheegay in ay Dawladdu Fulinayso dareenka iyo rabitaanka Banaanbaxayaasha ee ah in la xoojiyo ladagaalanka Alshabaab, wuxuuna ku booriyay Bulshada in ay sii wadaan muujinta Dareenkooda ka dhanka ah kuwa caadaystay daadinta Dhiiga Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay si joogto ah u beegsanayaan, wuxuuna Wasiirku  ka dalbaday Bulshada Soomaaliyeed in ay ku garab istaagaan Dawladda iyo Ciidamada qalabka sida Ladagaalanka Argagixiasada.

Bannaanbax Muqdisho.jpg4Dawladda Soomaaliya waxeey u aragtaa Dagaalka Argagixisadu in uu yahay mid ay ku burburinayaan Dawladaha iyo Shucuubta Islaamka, iyagoo ku been abuuranaya Magaca Muslimiinta, waxeeyna ku baaqaysaa Dawladdu in lagu qaado Dagaal Shacbi ah si looga hortago Ficiladooda gurucan.

Ugu danbayn, Dawladda Soomaaliya waxeey dardargalinaysaa Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, waxeeyna markale ugu baaqaysaa Dadwaynaha Soomaaliyeed in ay si dhab ah uga qayb-qaataan tirtirista Kooxahaas,,iyadoo Dawladdu ugu mahadcelinaysa Qaybaha Bulshada ee Muqdishu muujinta Dareenkooda, isla markaana Dawladdu waxeey ugu baaqaysaa Shacabka ku nool GobaladaDalka iyo Dibada in ay iyana muujiyaan Dareenkooda

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: