Advertisements

Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Booliiska Somalia oo Maanta loo taxaabay xabsi ku yaalla Muqdisho.

Booliska Somalia.jpg4.jpgSaraakiil ka Tirsan Booliiska Soomaaliya oo lagu eedeyay in ay been-abuur sameeyeen, ayaa maanta Xabsiga la dhigay, sida ay saraakiil ka tirsan Taliska Booliiska Somalia u sheegeen Warbaahinta Muqdisho.

Magacyada Saraakiisha maanta la xiray oo laba ah ayaa lagu kala sheegay; Col. Maxamed Jimcaale Cosoble oo sheegtay inuu yahay Taliyaha ciidanka Booliiska Somalia iyo Col. Yuusuf oo isna lagu eedeeyay inuu been-abuurkaas la sameeyay, sida saraakiisha booliiska Soomaaliya ay sheegeen.

Sidoo kale, Saraakiil Taliska Ciidanka Booliiska Somalia ka tirsan oo la hadlay Warbaahinta ayaa intaas ku daraya Col. Maxamed Jimcaale Cosoble iyo Col. Yuusuf ay doonayeen inay dalka galiyaan qal-qal dhinaca amniga ah.

“Labadaan Sarkaal ee maanta la xiray waxay doonayeen inay waddanka geliyaan qal-qal dhinaca amniga ah, isla markaana uu Col. Jimcaale uu sheegtay in uu yahay Taliyaha Booliska Somalia oo been-abuur ah,” ayay saraakiishan warbaahinta u sheegeen.

Ugu dambeyntii, Taliska Booliska Somalia ayaan weli war rasmi ah arrintaan ka soo saarin, Iyadoo la sheegay in saraakiishan ay ku xiran yihiin Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: