Advertisements

Mr. Ban KI-Moon oo ballanqaaday inay qiimayn ku sameyn doonaan xaaladda howlgalka Ciidamada AMISOM ee ka dhanka ah Alshabaab.

madaxweyne Xasan iyo Ban Ki Moon.jpg1Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa diiday codsigii kasoo yeeray madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, kaasoo ahaa in Qaramada Midoobay ay la wareegto mas’uuliyadda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Madaxweynaha Kenya Kenyatta oo 15 -kii june kulan gaar ah Magaalada Brussels kula qaatay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban KI Moon, ayaa u soo jeediyay in Qaramada Midoobay ay  la wareegto hawl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Qaraar ay meel mariyeen 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ayay isku raaceen in xaaladda Soomaaliya ee haatan aysan ku haboonayn in ciidamo Qaramada Midoobay ka socda la geeyo Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa amar ku siiyay AMISOM inay sii wadaan howlgalkooda Soomaaliya ilaa bisha May ee sanadka soo socda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban KI-Moon ayaa  ballanqaaday inay qiimayn  ku sameyndoonaan xaaladda howlgalka AMISOM ee ka dhanka ah Alshabaab.

SomaliSwiss      New York

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: