Advertisements

Soomaalida ku nool wadanka Switzerland oo si weyn u Ciiday Munaasabadda maalinta Ciidul Fidriga.

ciida1Maanta oo Arbacada ah ayaa waxaa Munaasabadda Ciidul Fitriga si isku mid ah looga wada Ciiday dhammaan wadamada Caalamka Islammka iyo kuwa ay Islaamka ku yar yihiinba, balse waxaa xusid mudan in gobollada dalka Soomaaliya oo idil laga dareemay mid ahaansha Diineed, waxayna Ciidan noqtay mid si reynreyn iyo Farxad leh looga wada Ciiday dalka oo ay ugu horreyso caasimada Muqdisho.

ciida1.jpg2Sidoo kale wararka Farxadda Ciida ee aynu ka helnay Kantoonada dalkan Switzerland, ayaa sheegaya in maanta Muslimiinta ku nool Magaalooyinka waaweyn oo idil ay si weyn ugu dabaaldegay ciidul fitriga sida: Magaalooyinka Berna, Zürich, Geneve, St. Gallen, Lausanne iyo kuwa kaleba.

Muslamiinta ku nool Magaalada Zürich ayaa Saakay aroortii u dareeray degmada Dietikon ee Kanton Zürich, halkaas oo lagu ballansanaa in si wada jir ah loogu Tukado Salaada Ciidul Fitriga, sidaas awgeed, Muslamiinta Kanton Zürich, iyagoo isku duuban yar iyo weyn, Rag iyo Dumar ayey si farxad iyo reynreyn ah ugu wada tukadeen bartii ama goobtii loogu talagalay in ay ku kulmaan ee ku taala Stadthalle Dietikon.

ciidul-fitriga2Dhanka kale sida ay sheegayaa wararka Munaasabadda Ciidda in qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Kanton Zürich ay Munaasabadda Salaada Ciidul Fitriga ay si gooni gooni ah uga Tukadeen Masaajidyo yar yar, taas oo loo arki karo inay jirto kala fogaansho fikradeed, mana aha markii ugu horrexsay ee ay dhacdo arrintan, hase yeeshee Khilaafka iyo kala duwanaanta fikradeed ayaa keeni karta in caruurtooda ay lumiyaan Soomaalinimada iyo dhaqanka suuban ee soo jireenka ah.

Warar aan ka helnay Qaar ka mid ah Jaaliyaadaha Soomaalida ee wadamada Yurub ayaa sheegaya in si isku duubni ah uga wada ciideen wadamada ay ku nool yihiin, balse waxaa nasiib darro ah in dalka Switzerland ay Caruurtooda heli waayeen Barnaamijka loogu tala galay in lagu maaweeliyo iyo meeeshii ay si xurnima ah ugu cayaari lahaayeen Caruurtaas.

ciidul-fitriga5Qaar ka mid ah Jaaliyaadaha Soomaalida ee wadamada Yurub ayaa si isku duubni ah uga wada ciiday wadamada ay ku nool yihiin, balse waxaa nasiib darro ah in dalka Switzerland ay Caruurtooda heli waayeen Barnaamijka loogu tala galay in lagu maaweeliyo iyo meeeshii ay si xurnima ah ugu cayaari lahaayeen Caruurtaas.

Si kasta ha ahaatee Hoggaanla Sare ee Jaaliyadda Kanton Zürich iyo qaar ka mid ah Culamada Soomaaliyeed ayaa mar-kasta isku daya in Soomaalida ay wacyi geliyaan sidii ay ugu midoobi lahaayeen danahooda, balse taasi ma noqonin mid suurta gasha, Sababo jira awgeed.

SomaliSwiss     Zürich
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: