Advertisements

Madaafiic Xalay lagu Duqeeyay magaalada Baydhabo oo Dad Shacab ah ku Geeriyoodeen. !!!!!!

Madfac Baydhabo.jpg1Waxaa Xalay Madaafiic lagu Duqeeyay magaalada Baydhabo oo ay ku Geeriyoodeen  Dad Shacab ah ugu yaraan Afar Qof ayaa ku dhinteen, ilaa 20 kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii xalay la duqeeyay xaafaddo ka Tirsan degmada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ay degan yihiin dad rayid ah.

Madfac Baydhabo.jpgAfarta ruux ee dhinty ayaa Waxaa ku jiray ilmo yar; Waxayna dhammantood ahayeen dad Maato ah deggenaa Xaafadahaas la duqeeyay. Iyadoo dhaawacyadiina la dhigay isbitaalka Beydhabo, iyadoo ay ku jiraan dad dhaawacoodu aad daran yihiin, kuwaasoo haatan lagu caafimaadkooda lagula tacaalayo isbitaalka.

Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa Duqeyntii lagu qaaday xaafadaha ku yaalla Baydhaba dusha uga tuuray Al-shabaab oo dagaalo kula jirta DF Soomaaliya iyo ciidanka caawiya ee AMISOM.

Dhanka Kale, Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay in Al-shabaab ay ku qaadeen weerar Magaalada Baydhaba, gaar ahaan Xarumaha Maamulka iyo saldhigyada Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin gudaha magaaladaas.

Madfac Baydhabo.jpg2Ugu dambeyntii, Ma ahan markii ugu Horreysay oo Xarakada Al-shabaab ay Weerarro ka geysato Baydhabo, inkastoo Xilliydii u dambeeyay uu Ammaanka Magaaladaas ahaan mid deggen.

SomaliSwiss       Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: