Advertisements

Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Lagu Sagootinayey Ciyaartooyda Puntland

jawaari 1.jpg4Waxaa xalay ka dhacday Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho Munaasabad oo uu soo qaban qaabiyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaana kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka, inta badan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, Taliyaha Ciidammada Asluubta, dublumaasiyiin uu ka mid ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya magaalada Muqdisho iyo marti sharaf kale. Continue reading

Advertisements

Xaruntii Denbi-baarista Soomaaliya (CID) oo maanta weerar ku qaadeen koox ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Denbi-baaristaCiidmada Booliiska Soomaaliyeed ayaa toogasho ku dilay dhamaan dableydii dooneysay iney gudaha u galaan xarunta baarista dembiyada CID qaraxa kaddib. Continue reading

Dowladda Masar oo raashiin gargaar ah ku wareegisay Dowladda Soomaaliya

 

Markab deeq

Markab sida shixnada  gargaar islamarkaana  dadka Masar iyo dowladooda ay ugu tala galeen shacabka  Soomaaliyeed ayaa  shalay kusoo xirtay dekadda weyn ee Magaaladda Muqdisho waxaana  saaran Todoba Kunteenar oo ka kooban 163-tan oo isugu jira noocyada kala duwan ee raashiinka.
Continue reading

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo Beesha Caalamka ugu baaqay in la sii wado maalgelinta howl galka AMISOM ee Soomaaliya.

Wasiirka Arr. Dibadda KenyaWasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Aamina Maxamed ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka in la sii wado maalgelinta howl galka AMISOM ee Soomaaliya, hadii la rabo in nabad waarta laga gaaro Gobolka. Continue reading

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Shina Afrika.jpg2Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashigab Caalamiga Dr. Abdullahi Sheikh Ali (Qalloccow) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galay shirweynaha Iskaashiga Horumarinta dhaqaalaha ee Shiinaha iyo dowladaha qaaradda Afrika oo ka dhacay caasimadda Shinaha ee Beyjiin. Continue reading

Dhalinyaro qiiro Waddaninnimo leh, isla markaasna leh Aqoon Sare oo ku biirtay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Booliska Somalia.jpg6.jpgDhalinyaro qiiro Waddaninnimo leh, isla markaasna leh Aqoon Sare ayaa ku biirtay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ha yeeshee tani waxaa la oran karaa waa tillaabo ku dayasho mudan in Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo udub dhaxaad u ah sugidda amniga gudaha ee dalka ay muddooyinkan danbe ku tallaabsanayay horumarro dhinacyo badan leh tan iyo intii ka danbaysay markii loo magacaabay Taliyaha Booliiska Soomaaliyeeed S/Gaas Max’ed Shiikh Xasan waxaa kor u kacayay tayada Xubnaha ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed. Continue reading

Madaxweynaha Soomaaliya oo Koobkii guusha Tartanka Kubbada Cagta guddoonsiyey Cayaartooyda dowlad goboleedka Puntland.

Cayaarta Gobollada.jpg7.jpgCayaartooyda ku cayaareysay dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo galabta kulan xiiso leh kuwada yeeshay garoonka kubadda cagta ee Koonis, ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Shar ma’arke, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanno, Maamulka Gobolka Banaadir, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale. Continue reading

%d bloggers like this: