Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Xarunta Madaxtooyada afur ugu sameeyay Wasiirka Dibedda Mauritania iyo Danjireyaasha waddamada Islaamka u fadhiya Soomaaliya.

AfurMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada afur ugu sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania, Mudane Isselkou Ould Ahmed Izid Bih iyo danjireyaasha waddamada Islaamka u fadhiya Soomaaliya.

Afur.jpg1.jpgMadaxweynaha ayaa danjireyaasha si kooban uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumarka la sameeyay, gaar ahaan qorshaha doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo sannadkan.

Munaasabaddan afurka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgaley xubno ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin kale.

Afur.jpg2AfurSomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: