Advertisements

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee Marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza.

Aaska BurciMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee Marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza oo dhowaan ku shahiiday weerarkii waxashnimada ahaa ee argagixisada ku qaadeen mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa salaadda jannaasada kaddib mid mid u gacan qaadey ehelada iyo qoyska marxuumka, isagoo mar kale uga tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuum Burci oo sidoo kale ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha deegaanka.

Waxaa sidoo kale tukashada salaadda jannaasada ee Marxuum Burci Maxamed Xamza ka qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Maxamed Cusmaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dowladda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte, xubno ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin kale.

 

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: