Advertisements

Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay xuska munaasabadda 26-ka Jun oo ah 56 guuradii ka soo wareegtay markii calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed.

Xafladda 26ka jun.jpgMunaasabad lagu xusayay 56 guurada ka soo wareegtay markii calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed, isla markaana gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakisha ciidanka qalabka sida, maamulka gobolka Benaadir iyo marti sharf kale.

Xafladda 26ka jun.jpg2Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa fanaaniinta Hobollada Qaranka Waaberi, waxa ay madashada ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa todobaadka xoriyadda.

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe ee dalka ayaa sheegay in munaasabadaan ay qiimo weyn ugu fadhido guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  Maxamed Cabdi Xayir Maareeya oo ahaa hormuudkii soo qaban qabaiyay munaasabadan oo ka hadlau goobta ka jeediyay ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay ka shaqeeyaan midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka  Xukuumadda Somaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeyay munaasabadda 26-June, isagoo  tilmaamay in Ummadda Soomaaliyeed ay  u midoobaan sidii ay u hanan layaaeen amniga dalka.

Xafladda 26ka jun.jpg3.jpgMadaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeeyay 56 guuradii ka soo wareegtay markii gobolada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

“Caawa iyo muhiimadda ay leedahay xafladan waa laga hadlay, Ra’iisul wasaare ku-xigeenkuna wuu ku mahadsanyahay sida uu noogu taabtay taariikhda loo soo maray maanta oo kale, Sooamaaliya, 1960-kii calanka caawa oo kale la taagay isago xor ah waa arrin farxad leh inaan xusno”ayuu yiri Madaxweynaha.

Xafladda 26ka jun.jpg1.jpgMadaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in bulshada Soomaaliyeed ay la yimaadaan garowshiyo ku aadan dhibta walaalaha waqooyi gaaray, xoogana la saaro ka shaqeynta midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

“Waxbaa naga qaldamay, wixii naga qaldamay inaan saxno unbaa diyaar u nahay, mana rabno qalad horey u dhacay, markale inay soo laabato, waxaana diyaar u nahay inaan ka wada shaqeyno midnimada Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya .

Xafladda 26ka jun.jpg4.jpgSomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: