Advertisements

Qarax Is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qarax.jpg5Weerar toos ah oo Qaraxyo Is-miidaamin ah maanta gellinkii dambe lagu qaaday Hoteelka Naasa Hamblood One ee Magaalada Muqdishoayaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan ay ku Geeriyoodeen 12-qof, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen.

Col. Cali Xasan oo ka tirsan saraakiisha booliiska Somalia ayaa Warbaahinta u sheegay in Weerarkan uu ahaa mid khasaare dhaliyay, isla markaana weli ay xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladdu ku dagaalamayaan gudaha iyo daafaha Hoteelka.

“Weerarradan oo isugu jiray Qaraxyo iyo kuwo toos ah waxaa ku geeriyooday in ka badan 12-qof, tiro intaas ka badanna way ku Dhinteen,” ayuu Sarkaalku u sheegay Wrabaahinta Qaybaheeda kala duwan.

Al-shabaab ayaa sheegay mas’uuliyadda weerarkan, iyagoo xusay inuu ahaa mid qorsheysan, ayna xoogaggoodu ku jiraan gudaha Hoteelka oo ay Askar ka tisran ciidamada dowladda Somalia kula dagaalamayaan.

Goobjoogayaal, ayaa sheegay in Qaraxyada Hoteelka lala beegsaday ay aad u cuslaayeen, Waxaana goobtaas dadka dhaawacyada ah ka qaaday Gaadiid Gurmadka deg-dega ah oo gaarsiiyay Isbitaalka Caafimaadka.

Ugu dambeyntii, Lama oga khasaaraha Ramsig ah ee ka dhashay Weerarradaan oo ahaa kuwo Culus, iyadoo Qaraxyadan ay burbur xoog leh gaarsiiyeen inta badan dhismayaasha ku dhaw Hoteelka.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: