Advertisements

MADAXWEYNAHA EQUATORIAL GUINEA OO WIILKIISA U MAGACAABAY MADAXWEYNE KUXIGEEN.

Madaxweyne iyo  wiilkiisaMadaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang’ Nguema oo ah Madaxweynaha ugu xukunka dheer Afrika ayaa wiilkiisa oo lagu magacaabo Teodorin’ Obiang’ Mangue u magacaabay xilka Madaxweyne kuxigeenka.

Equo. GuineaSida ay xaqiijisay Warbaahinta maxaliga ee Equatorial Guinea Madaxweyne Teodoro Nguema oo 37 sano  xukumayay dalkaas ayaa doonaya inuu awooda si fudud ugu wareejiyo wiilkiisa.

Madaxweynaha ugu cimriga dheer Afrika iyo Adduunka ayaa markii lixaad sanadkan ku guuleystay doorashadii ka dhacday Equatorial Guinea, isagoo helay 93.7, hase ahaatee doorashadaas ayaa waxaa shaki badan geliyay Beesha Caalamka.

Waxaa lagu eedeeyay inuu akoonkiisa gaarka ah ku shubto lacago, isla markaana uu la goosto canshuuraha warshadaha.

Sanadkii 1979 ayuu xukunka kala wareegay adeerkiisa oo uu afgambiyay, isagoo markii dambe xukun toogasho ah uu ku fuliyay.

Madaxda qaar ka mid ah dalalka Afrika ayaa lagu eedeeyaa inay xukunkooda ku biiriyaan qoyskooda, iyadoo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka mid ah madaxda ugu waqtiga dheer Afrika uu dhowaan xaaskiisa u magacaabay Wasiirka Waxbarashada dalkaas.

SomaliSwiss      Malabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: